Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Warka Soo Saarey Dhacdadii Ciidanka Kenya Ay Ku Bur Buriyeen Xarunta Hormuud

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Warsaxaafadeed ka soo saarey Xaaaladda soo noqnoqotey ee ah burburinta hantida Shirkadda Hurmuud ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Xuduudda ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Ka dib markii ay shir deg-deg ah is kugu yimaadeen golaha Wasiirada dowlad-goboleedka Jubbaland warbixina looga dhageystay guddi-gii heerka Wasiirro ahaa ee loo xilsaarey inay soo baaraan dhibaatadii ka dhacdey deegaanada ku teedsan xudduuda aan la wadaagno dowladda Kenya.

Shirkaan oo uu ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka 1 aad ahna kusimaha Madaxweynaha dowlad-gobleedka Jubbaland,shirkaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa maanta waxaa looga doodey dhacdadii ka dhacdey Tuulada Cali Buuleey ee hoos tagta deegaanka Dhoobley Taariikhdu markii ay ahayd 13/08/2018.

Falanqayn iyo dood dheer ka dib Goluhu waxuu isku raacey Qodobadan  soo socda:-

1: Goluhu waxuu ka xunyahay dhacdada foosha xun ee ka dhacdey deegaanka Cali Buuleey,laguna dhibaateeyay dad aan waxba galabsan ,iyadoo loo geystay khasaaro Naf iyo Maalba leh laguna burburiyay hantida shirkadda Hormuud,iyadoo sidoo kale dhacdadani tahay tii 6-aad ee ka dhacda deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku teedsan xudduuda  aan la wadaagno dowladda aan dariska nahay ee Kenya.

2: Goluhu waxuu Canbaareeyay dadka ku lug leh  arintaan,oo aan xaqiijinay in ay ka soo gudbeen xudduuda aan la wadaagno dowladda Kenya.

3:Dowladd-Goboleedka Jubbaland oo kaashanaysa dowladda Federaalka ee Soomaliya iyo Madaxda deegaanada  Mandheera,Wajeer, iyo Gaarisa waxaan weydiisanaynaa in ciddii ku lug leh arintan Sharciga la horkeeno,lagana qaado Magdhow Naf iyo Maalba leh.