Golaha Wasiirada Koofur Oo Kulan Yeeshay

Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ,ayaa todobadkan waxaa Shir Guddoomiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arrimaha,ammaanka, Dhaqaalaha ,guud ahaan siyaasadda iyo Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socoda Gobolada Baay ,Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Wasiirada Wasaaradaha amniga, Maliyadda, Arrimaha Gudaha, oo Safar Shaqo ugu maqnaa Degmada Buurhakaba ayaa warbixino ku aadan dhinacyada Mamulka Cusub Degmada loo sameyey Tirikoobka Ciidanka iyo Hanaanka kor Uqaadista Dhaqaalaha Koonfur Galbeed ka siyey Madaxweyne Lafta-gareen.

Sidoo kale Shirka inta uu socday waxaa laga hadlay Howlgalada Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan Gobolada Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Abdi Maxamed ayaa Warbaahinta Faafahin ka siiyay Qodobadii looga hadlay shirka Maanta.