Shirka Golaha Wasiirrada ayaa maanta waxaa shirguddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salax Axmed Jaamac.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo dalka uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay shirka golaha Wasiirrada ayaan lagu sheegay Safiirrada cusub dalalka loo magacaabay, balse waxaa ka soo muuqday madax horay dalka xilal kala duwan uga soo qabatay iyo kuwa ka soo shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.