Golaha wasiirada oo yeeshay kulankii todobaad laha ahaa.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen xarruuntooda magaalada Muqdisho uga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyada oo la horgeeyay tiro safiirro ah.

Kulanka oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamse ayaa ugu horreyn golaha ku ansixiyeen soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka, oo kala ah: Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) iyo Yuusuf Axmed Jeego.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha ka siiyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Golaha ayaa ansixiyay Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Siyaasaddan cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka.