Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta ka qabsoomay kulankii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada,waxaana kulanka shir guddoominayay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Den.
Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda 2019, Abaaraha iyo arrimo kale oo muhiim.
Shirka ayaa sigaar ah waxaa diirada loogu saaray arrimaha amniga iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan oo kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobolka Sool oo Soomaaliland ay Ciidamo farabadan geysay.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Iyo Dalxiiska  Puntland Cali Xasan Axmed Sabarey oo ka ka qeyb galay shirka ayaa Warbaahinta sharaxaad ka siiyey qodobadii kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Puntland.