Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo kuwa Puntland oo kulmay

Xubnaha Golaha Wasiirada maamulka Puntland ayaa kulan casho ah xalay magaalada Garoowe ugu sameeyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid casho ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Xubnaha Golaha Wasiirada Puntland ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin wada shaqeynta kala dhaxeysa Xukuumada Soomaaliya iyo in Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ay soo gaaraan Puntland.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/laahi Xaamud ayaa ka warbixiyay kulanka cashada ee Garoowe loogu sameeyay, waxa uu sheegay in lagu balamay in la xoojiyo wada shaqeynta Golaha Wasiirada Puntland iyo Xukuumada Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Madaxda iyo Wasiirada Puntland ee sida wanaaga leh inoogu soo dhaweeyay magaalada Garowe, waxaan dareemeynaa in walaaltinimada iyo wanaaga ka dhaxeeya maamulka iyo dowladda uu yahay mid sii xoogeysanaya, hadii sidan aan ku socono waxaan gaareynaa horumar.” Ayuu yiri C/laahi Xaamud.

Shalay ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya waxa ay shirkoodii khamiislaha ahaa ku yeesheen Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland, waxaana shirkaasi shir guddoominaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.