Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo khuseeya amniga, dhaqaalaha, horumarka bulshada iyo diyaar-garowga munaasabadaha qaran. Kulanka oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada lagu dardargelinayo horumarka qaranka.
Golaha Wasiirrada ayaa ka dhagaystay warbixin faahfaahsan oo ay ku lifaaqnaayeen tirokoobyo ku saabsan Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026, iyadoo warbixintaasi lagu iftiimiyay heerka diyaar-garowga, tirada ardayda ka qaybgelaysa iyo dadaallada lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo tayada imtixaannada qaranka. Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ka dhegaystay xaaladda amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, kuwaas oo lagu falanqeeyay horumarka la sameeyay iyo caqabadaha u baahan in wax laga qabto.
Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan qabanqaabada maalmaha xorriyadda iyo midoowga Soomaaliya, kuwaas oo xambaarsan xusuusta halgankii gobannimo-doonka iyo mideyntii ummadda Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale la soo bandhigay warbixin ku saabsan Hannaanka Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya taageerada la xiriirta horumarinta qaranka, kobcinta adeegyada bulshada iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah.
Golaha Wasiirrada ayaa si weyn u bogaadiyay doorashadii qof iyo cod ee si nabad ah uga qabsoontay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo dhismaha dowladnimo ee dalka. Golaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ahaa Hoggaamiyihii Kumeel-gaarka ahaa ee maamulkaasi, kaalintii uu ka qaatay maareynta xilliga kala guurka iyo xaqiijinta qabsoomidda doorashada.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii uu Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato, iyagoo xusay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qawaaniinta caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo taageeridda xuquuqaha shacabka Falastiin.
Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay Ciidamada Amniga Qaranka dadaallada joogtada ah ee ay ugu jiraan xaqiijinta amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan falal amni-darro oo ay maleegayeen kooxaha argagixisada, kuwaas oo lagu doonayay in lagu carqaladeeyo xasilloonida, nabadda iyo horumarka dalka ka socda.
Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Mudane Maxamed Xasan Nuur, oo ah sharciyaqaan sare, inuu noqdo xubin ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Mudanahan ayaa kusoo baxay hannaan tartan furan ah, kaddib markii booskaasi uu bannaanaaday, waxaana Golaha uu xusay in magacaabistiisu ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha madaxa-bannaan iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.
Kulanka maanta ee Golaha Wasiirrada ayaa muujinaya sida ay dowladda uga go’an tahay xoojinta amniga, horumarinta adeegyada bulshada, dardargelinta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo sii ambaqaadidda qorshayaasha horumarineed ee horseedaya Soomaaliya nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah.