Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Oo Ka Shiray Amniga Magaalada Beydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo. Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlay arrimo muhiim u ah shacabka reer Koonfur Galbeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xaaladda amniga guud, dardargelinta adeegyada bulshada, arrimaha bini’aadannimada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay wasaaradaha amniga, gargaarka, xannaanada xoolaha iyo arrimaha gudaha. Wasiirrada ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarineed ee socda, caqabadaha jira iyo dadaallada lagu xoojinayo adeegyada loo fidiyo bulshada ku nool deegaanada Koonfur Galbeed. Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa gurmadka dadka nugul iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ku boorriyey inay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarinta adeegyada bulshada. Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shacabka reer Koonfur Galbeed helaan adeegyo hufan oo tayo leh, isla markaana dowladda ay si dhow ula shaqeyso bulshada si loo gaaro horumar waara iyo xasillooni guud.