Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo caalami ah iyo dalacsiin safiirro

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa looga hadlay amniga dalka, gurmadka xaaladda abaaraha, hawlgaladdii ugu dambeeyay ee ciidamadda xoogga dalka ay kula wareegeen deegaanno horleh, iyo warbixinno ku saabsan nidaamka casriyaynta dowladda iyo dardargalinta adeeg bixinta dowladda.
Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiisyo caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal waxa ayna kala yihiin.
1- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka Baasaboorka Diblumaasiga kaasi oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan.
2- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka kuna saabsan arrimaha caafimaadka.
3- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan Habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika.
4- Heshiiska 1965 ee fududeynta Socdaalka Caalamiga ah ee Gaadiidka Badda (Fal 1965).
5- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya kuna saabsan wadatashiyada siyaasadeed, iyo Xeer-nidaamiyehiisa.
6- Heshiis u dhaxeeya Soomaaliya iyo hey’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka ee ku saabsan dhaqangalinta dammaanadaha la xiriira heshiiska ka hortagga ee faafitaanka hubka niyuukleerka, iyo barakatooladiisa dheeraadka ah.
7- Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka Ganacsiga sharci Darrada ah ee
Daawooyinka Maanka dooriya iyo kuwa maanka saameeya, 1988.
8- Siyaasadda Maareynta wax-qabadka mideysan ee hay’adaha dowladda.
Ugu dambeyntii Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in safiirrinimo loo dalacsiiyo labo mas’uul oo kala ah Mudane Aadan Isaaq Cali iyo Mudane Cabdifataax Sh Axmed Cabdimannaan.