Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo magacaabay Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Rugta Ganacsiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Kulanka ayaa lagu gaaray go’aanno muhiim ah oo la xiriira maamulka, dhaqaalaha, amniga iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Goluhu wuxuu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee ku saabsan magacaabista Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, iyadoo xilkaas loo magacaabay Mudane Yaasiin Maxamuud Cibaar. Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxay si rasmi ah u kala direen guddigii hore ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha cusub ee ku-meelgaarka ah ayaa loo xil saaray inuu diyaariyo habraaca doorashada iyo dhismaha guddiga cusub ee Rugta Ganacsiga, iyadoo qorshuhu yahay in howlahaas lagu soo gabagabeeyo muddo laba sano gudahood ah si loo helo hoggaan cusub oo sharciyeysan.

Intii uu kulanku socday, Golaha Wasiirrada waxaa sidoo kale loo soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka. Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ka warbixisay howlgalada socda ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka, halka Hanti-dhowrka Guud ee Qarankuna uu Golaha u gudbiyey natiijada baaritaannada lagu sameeyey maamulka maaliyadda dowladda intii u dhaxeysay sanadihii 2024 iyo 2025.

Golaha Wasiirradu waxay sidoo kale ansixiyeen dhowr heshiis iyo habraac oo muhiim u ah horumarinta dowladnimada iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Habraaca isku xirka farriimaha dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah ee la xiriira falalka argagixisada.
Hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Dakhliga Qaranka.
Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Croatia, kaas oo ku saabsan wada-tashiyada siyaasadeed ee labada dal.
Heshiis iskaashi oo dhexmaraya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).
Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga oo la xiriira horumarinta iskaashiga dhinaca deegaanka.
Ansixinta Axdiga Dhismaha Kooxda Istaraatiijiyadda Macdanta Afrika iyo Iskaashiga Horumarinta Macdanta Muhiimka ah.

Dhanka magacaabista diblomaasiyiinta, Golaha Wasiirrada ayaa darajada Safiirnimo u dallacsiiyey Mudane Shaafi Nuur Calas Faarax, halka Mudane Cabdifitaax Maxamed Ibraahim loo magacaabay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.