GOLDEN BOOT: Harry Kane & Sergio Aguero Oo Dhaawacyo Soo Gaadheen, Mohamed Salah Oo Fursad Dahabi Ah Haysta Iyo Tartanka Gool Dhalinta Premier league Ee Golden Bootka Oo Waji Cusub Yeeshay.

Tartanka gool dhalinta horyaalka Premier league ee loogu ordayo kabta dahabka ah ayaa galay waji cusub kadib markii xalay dhaawac soo gaadhay gooldhaliyaha kooxda Tottenham ee Harry Kane kaas oo si xoogan looga shaki san yahay in uu seegi doono gabi ahaanba siddeeda kulan ee ilaa hadda ka hadhsan horyaalka Premier League.

Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay in dhaawaca Harry Kane ka soo gaadhay kulankii Bournemouth uu la mid yahay dhaawicii xili ciyaareedkii hore uu labada bilood la maqnaa taas oo la micno ah in hadda uu dagaal u gali doono sidii uu koobka aduunka taam ugu noqon lahaa.

 

Waxaana la filayaa in rajadii Harry Kane ee kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier League ay gabi ahaanba soo dhamaatay inkasta oo baadhitaano dheeraad ah lagu samayn doono xaaladiisa dhabta ah iyo muddada uu maqnaan karo.

Dhinaca kale sidii aanu idiin soo gudbinay Sergio Aguero ayuu soo gaadhay dhaawac jilibka ahi wuxuuna ugu horayn seegayaa kulanka caawa ee Stoke City taas oo la micno ah in aanu caaw heli doonin fursad uu ugu soo dhawaan karo Mohamed Salah iyo Harry Kane oo ilaa hadda min 24 gool ku hogaaminaya tartanka gool dhalinta premier League ee Golden Bootka.

Laakiin sidoo kale Manchester City ayaa hubin doonta waqtiga rasmiga ah ee uu Sergio Aguero soo laaban karo iyada oo aan wax halis ah loo galin doonin kulamada Premier League maadaama oo ay haddaba koobka aad ugu dhaw yihiin isla markaana uu Guariola doonayo in xidiga ree Argentina uu ka caawiyo tartanka Champions League.

Waxay hadda u muuqataa in dariiq kasta oo loo marayo kabta dahabka ah ee gool dhalinta premier League uu ku gaynayo Mohamed Salah kaas oo haysta fursad boqolkiiba boqol ka badan intii uu haystay usbuuc dhamaadkan wuxuuna haystaa fursad uu xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Liverpool uu ugu guulaysan karo kabta dhahabka ah ee Golden Bootka.

Kala Saraynta Gool Dhalinta Premier League Iyo Xidigaha Ilaa Hadda Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay Premier League.

1- Mohamed Salah Liverpool =24 Gool

=Harry Kane  Tottenham = 24 Gool

3 Sergio Agüero  Manchester City= 21 Gool

4 Raheem Sterling Manchester City =15 Gool

5 Jamie Vardy  Leicester City =14 Gool

=Romelu Lukaku  Manchester United= 14 Gool

7 Roberto Firmino Liverpool =13 Gool

8 Eden Hazard Chelsea =11 Gool

=Glenn Murray  Brighton & Hove Albion= 11 Gool

10 Riyad Mahrez  Leicester City =10 Gool

=Son Heung-Min  Tottenham Hotspur =10 Gool

=Álvaro Morata  Chelsea =10 Gool

=Wayne Rooney Everton 10 Gool

Horyaalka Premier league waxaa ka hadhsan 8 kulan oo kaliya marka laga reebo kulanka Manchester City iyo Stoke City ee caawa oo ay wada ciyaarayaan kulankoodii 30 aad laakiin kulankan ayaan saddexda kaalmood ee sare wax saamayn ah ku yeelan karin maadaama oo Aguero uu kulankan seegayo.