Gollaha Wasiiradda Ethiopia oo Somalidu ay ka heshay Wasaarad Muhiim ah

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dib u habayn ballaaran ku sameeyay golahiisa wasiirrada, isaga oo dhimay tirada guud ee wasaaraddaha dalkaas.

Isaga oo golahiisa wasiirrada u soo bandhigaya baarlamaanka ayuu sheegay in tallaabadan uu u arkay in ay muhiim u tahay sii socoshada isbadallada uu wado tan iyo markii uu xilka qabtay toddobo bilood ka hor.

“Arrintan waxay muhiim u tahay dib u habaynta istaraatiijadihii dhibaatooyinka laga dhaxlay ee dalka u horseeday qaska, waase haddii isbadalku uu hirgalo” ayuu yiri Abiy.

Golaha wasiirrada oo ahaa 28 ayaa hadda labaatan laga dhigay, wasiirrada hoggaamin doonana kala bar ka mid ah waxay noqon doonaan dumar.

Dumarkaas waxaa ka mid ah Caasha Maxamed oo loo magacaabay wasaaradda gaashaan dhigga, taas oo noqon doonta qofkii u horreeyay ee dumar ah ee jagadaas ka qabta Itoobiya.

Muferiat Kemil oo shantii bilood ee la soo dhaafay ahayd afhayeenka baarlamaanka ayaa loo magacaabay wasiiradda nabadda, waana wasaarad cusub oon horay u sii jiri jirin.

Muferiat ayaa dusha kala socon doonta sirdoonka dalka iyo laamaha ammaanka oo ay ku jiraan booliiska faderaalka.

Axmed Shide oo ahaa wasiirkii warfaafinta oo Deegaanka Soomaalida ka soo jeeda ayaa hadda loo magacaabay wasiirka maaliyadda.

Wasiirro tiro yar oo ay ka midyihiin wasiirka arrimaha dibadda iyo midka caafimaadka ayaa jagooyinkooda sii haya.