Goobaha Caafimaadka ee Boosaaso oo lagu dabiibayo 13 ruux ku dhaawacmay qarax

Degmada Ufayn ee Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa ka dhacay Qarax ka dhashay Haanta Gaaska Cuntada lagu karsado waxaana ku dhaawacmay 13 qof oo labo kamid ah isku qoys ah sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmadaas.

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah Dad usoo gurmaday qoyska Haanta ku qaraxday kuwaas oo la dhigay qaar kamid ah Goobaha Caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Axmed Abshir Siciid oo ah Guddoomiyaha Degmada Ufayn ayaa sheegay in Haanta ay ku Qaraxday labo ruux oo isku qoys ah, halka 11ka kale ay ahaayeen Dad usoo gurmaday balse dhaawacyo kala duwan soo gaaray.

Waxa uu intaas kusii daray in Bulshadu ay u baahan tahay wacyigelin la xiriirta in marka ay arkaan ama la kulmaan xaaladahaan oo kale in la baro ama la tusiyo qaabka ay wax u badbaadin karaan iyada oo aanay naftooda waxyeello soo gaarin.

Haanta Gaaska Cuntada lagu karsado ayaa marar kala duwan waxa ay ku qaraxday Dad isticmaalayay waxaana hooseeya wacyigelinta la siiyo Bulshadu si ay uga fogaato saameynta taban ee kasoo gaari karta marka ay qaraxa sameyso.