Goobaha waxbarashada dalka oo la xiray kadib dil macalin loo gaystay.

Bahda waxbarashada gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo la xiriira dilkii maalin kahor magaalada Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar oo lagu dhex dilay iskuulka weyn ee Maxamed Xirsi Nuur (Siidii) oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Bahda waxbarashada oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay xarunta iskuulka ayaa marka hore cambaareeyay dilka arxan darrada ah ee loo gaysyay Macallinka.

Sidoo kale waxa ay farriin u direen dowladda federaalka, iyaga oo ugu baaqay inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigto dambiilaha oo hadda baxsad ka ah cadaaladda.

Intaas kadib bahda waxbarashada ayaa ku dhowaaqay inay waxbarashada joojiyeen muddo saddex cisho ah, taas oo ka bilaabaneysa maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Go’aankan ayaa saameynayaa dhammaan goobaha waxbarashada, sida iskuulada iyo jaamacadaha, ayada oo ujeedadu tahay in garab istaag loo muujiyay Macallinka la dilay.