Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa dib u qalabayn ku samaysay Isbitaalka Miir taqwa oo adeegyo caafimaad oo muhiim u ah hayay dadka ku nool deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Qalabkaan waxaa bixiyay Dad kasoo jeeda Deegaankaas oo Ganacsatado ah oo go’aansaday in Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ku wareejiyay si ay u gaarsiiyaan Isbitaalka Miir Taqwa oo adeegyada caafimaadku ay ka sugayaan bulshada.
Deegaannada 4ta tuullo waxaa muddo sanad ah gacanta ku haya Ciidamada Federaalka, Dadka Deegaanka ee Macawiislayda & Ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaana halkaas ka billowday dib usoo celinta adeegyada Bulshada.
Qalabkaan caafimaad waxaa bixiyay Dad deegaankaas kasoo jeeda oo ku talagalay in dib loo hagaajiyo Isbitaalka Miir taqwa maadaama Bulshadu ay u baahan tahay in ay hesho adeegyadaas muhiimka u ah fayaqabkooda.
Guddoomiyaha Miir Taqwa, Wasiirka Maaliyadda Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle & Mas’uuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda agabka Caafimaadka lagu wareejiyay waxaana maalmaha soo socda dib u billaabanay adeegyada isbitaalkaas.