Goobo Ay isku Aruur Sanayeenn Xubno katirsan kooxda AS oo duqayn lala beegsaday.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo gelinkii dambe ee shalay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.l.

War kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursaneysay goobta la weeraray, lagana hortegay qorshe culus oo ay damacsaneyd.

Ma shaacin dowladdu goobta uu sida gaarka ah uga dhacay howlgalkan, marka laga soo tego inuu ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan lagu dilay ugu yaraan saddex ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale lagu burburiyay dhagar ay soo maleegeysay kooxda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah ayaa howlgallo culus ka waday gobollada dalka, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiisay Al-Shabaab, loogana xoreeyay dhul balllaaran.