Goobo ganacsi Oo Somaali ledahay Oo lagu boobay Koofur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa la sheegay in habeenimadii  xalay aheyd ay boob xoogan u geysteen dhowr dukaan oo Soomaali ay leeyihiin, iyaga oo ka qaatay lacago iyo agab kale.

Dukaamadaan oo ku yaalla Magaalada Vrendenburg oo qiyaastii (146km) u jirta Cape Town ayaa Kooxaha Burcada ah ay cagta mariyeen,waxaana Goobaha Ganacsi ay badankood ku yaallaan Xaafadaha ay ku badan yihiin dadka madow.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika Cabdi Calas Guure ayaa xaqiijiyey boobka loo geystay goobaha Ganacsi ay Soomaalida leeyihii,isaga oo sheegay in tan ay dhibaato ku tahay dadka Soomaalida ah.

Wararka kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in sidoo kale intii uu boobka socday uu dhaawacyo fudud kasoo gaaray qaar kamid ah Ganacsatada oo isku dayayay inay badbaad sadaan hantidooda.

Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay goobaha Dukaamada laga boobay, iyaga oo isku dayayay inay ka hortagaan Kooxaha Burcada ah ee booka wada balse aysan ku guuleysan.