Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in dalka laga ceyriyo Madaxa Hay’addaha Care ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiir Goodax ayaa lagu sheegay in uu go’aansaday in uu dalka ka careyiyo ka dib markii Wada shaqeyn la’aan ay dhexmartay Wasaarada waxbarashada.
Hay’adaha dowladda ayaa lagu amray in ay fuliyaan Amarka dalka looga ceyriyo Iman Cabdulqadir Madaxa Hay’addaha Care.
Hay’addaha Care ayaa dhanka Waxbarashad kala shaqeysa Wasaarada waxbarashada dowladda Soomaaliya.