Gorgor oo Samaysay Howlgal Culus.

Ciidanka xoogga dalka ayaa howl-gal sifeyn ah ka sameeyay daafaha magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

Howl-galkan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay si wada-jir ah u fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor iyo kuwa loo yaqaano Ilaalo Qaran.

Ciidankan ayaa isku maray qaar kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada,si looga nadiifiyo kooxaha argagixisada ah, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galkaas oo ka dhacay deegaanno dhaca gobolka Galgaduud, ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan.

Xubnaha lala beegsaday howl-galka ayey dowladda sheegtay in si dhuumaaleysi ah kusoo galeen dhulka howdka ee lagu bartilmaameedsaday, kadibna ay ciidanka dowladda ogaadeen dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadkan, sidaasna lagu duqeeyay.