Guddiga amniga Jubbaland oo ka shiray dagaalka ka dhanka ah Shabaab

Guddiga amniga maamulka Jubbaland ayaa shir saacado badan qaatay ka yeeshay sidii Ururka Al Shabaab looga saari lahaa degaanada ay ka joogaan Jubbaland.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa ay ka shireen sidii loo qaadi lahaa hawgal mideysan oo Al Shabaab ka dhan ah, si looga saaro degaanada ay ka joogaan Jubbaland.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada maamulka Jubbaland Axmed C/raxmaan Xaaji Cali oo warbaahinta la hadlay shirka kadib ayaa sheegay in lagu heshiiyay in si deg deg ah loo qaado hawlgal, waxa uu tilmaamay in lagu balamay in la adkeeyo amniga guud ee degaanada Jubbaland.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada maamulka Jubbaland Axmed C/raxmaan Xaaji Cali ayaa ugu baaqay shacabka Jubbaland iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

“Shirkan sida aad la socotaan waxa weeye amnigu waa saldhigga horumarka nolosha, waxaad kaloo ogtihiin inay degaanada dolad goboleedka Jubbaland ay ka mid yihiin meelaha ay ku sugan yihiin Argagixisada, waxaa loo baahan yahay in bil walba la kulmo, waxaa la qaadi doonaa dagaal ka dhan ah Shabaab”. Ayuu yiri Axmed C/raxmaan.

Guddiga amniga maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku mideysan Madaxda maamulka Jubbaland, saraakiisha AMISOM ee ka howlgala Jubbaland iyo saraakiisha ammaanka ee Jubbaland.