Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray diyaarinta akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka.
Kulanka oo ay shir guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Naciima Gadhwayne, ayaa waxaa ka qeyb galay xubnaha guddiga, sharciyaqaanno ka tirsan Golaha iyo khubaro sharciyeed oo ka socday Somlaw.
Intii uu kulanku socday, khubarada sharciyeed ee ka socday Somlaw ayaa xubnaha Guddiga u soo bandhigay cilmi-baaris sharciyeed iyo aragtiyo la xiriira Hindise-sharciyeedka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka. Bandhigga ayaa xubnaha Guddiga ka caawinaya in ay si qoto dheer u fahmaan qodobbada sharciga iyo meelaha u baahan in wax laga beddelo ama lagu kordhiyo.
Xubnaha Guddiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in Hindise-sharciyeedku noqdo mid si cad u qeexaya arrimaha la xiriira burcad-badeedda iyo afduubka, isla markaana awood u siinaya hay’adaha ay khuseyso inay si wax ku ool ah uga hortagaan falalka noocaas ah.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo hubin lahaa in qodobbada Hindise-sharciyeedka ay waafaqsan yihiin Dastuurka dalka, shuruucda kale ee ka jirta Soomaaliya iyo heshiisyada iyo heerarka sharciyeed ee caalamiga ah.
Guddiga ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in la helo sharci dhameystiran oo ka jawaabaya baahiyaha Soomaaliya, gaar ahaan iyadoo dalka uu leeyahay xeeb dheer iyo marinno badeed muhiim u ah ganacsiga iyo isku socodka gobolka.
Sidoo kale, khubarada iyo sharciyaqaannada kulanka ka qeyb galay ayaa la wadaagay xubnaha Guddiga talooyin iyo aragtiyo ku saleysan cilmi-baaris sharciyeed, kuwaas oo la filayo inay gacan ka geystaan turxaan-bixinta iyo horumarinta Hindise-sharciyeedka.
Guddoomiyaha Guddiga, Senator Naciima Gadhwayne, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in shaqada guddigu noqoto mid ku dhisan baaritaan, wada-tashi iyo aragtiyo sharciyeed oo kala duwan, si Hindise-sharciyeedka loo diyaariyo qaab wax ku ool ah oo dan u ah shacabka iyo dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare uu ugu jiro diyaarinta iyo horumarinta Hindise-sharciyeedka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka.
Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in Hindise-sharciyeedka marka la horgeeyo akhrinta labaad uu noqdo mid si wanaagsan loo turxaan bixiyey, qodobadiisana ay si cad uga tarjumayaan baahiyaha dalka, ilaalinta amniga iyo la-dagaallanka falalka sharci-darrada ah ee la xiriira burcad-badeedda iyo afduubka.