Guddiga Aqalka Sare oo Kulan la Yeeshay Mas’uuliyiin ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdulqafaar Cilmi Xaange.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa diiradda lagu saaray Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Dakhliga, gaar ahaan qodobbada la xiriira qaab-dhismeedka iyo waajibaadka shaqo ee Hay’adda.

Xubnaha Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ka dalbaday faahfaahin iyo fasiraad dheeraad ah oo ku saabsan qodobbada kala duwan ee Hindise-Sharciyeedka, iyagoo soo bandhigay su’aalo iyo arrimo u baahan in si dheeraad ah loo caddeeyo.

Ujeeddada ayaa ahayd in Guddigu helo xog iyo aragti ku filan oo ka caawisa dib-u-eegista, sixitaanka, turxaan-bixinta iyo tayeynta Hindise-Sharciyeedka, si loo hubiyo inuu noqdo sharci dhammaystiran oo ka jawaabaya baahiyaha dalka.

Kulanka ayaa qeyb ka ah howlaha dastuuriga ah ee Aqalka Sare, gaar ahaan doorka Guddiyada ee dib-u-eegista iyo diyaarinta hindise-sharciyeedyada muhiimka u ah horumarinta nidaamka maaliyadeed iyo dakhliga dalka.