Guddiga Dastuurka Labada Aqal Oo La Kulmay Wakiilo Ka Socday Qaramada Midoobey+sawiro

Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan Saacado badan qaatey waxa uu la yeeshay wakiilo ka socdey Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii iskaashi iyo wadashaqayn u dhexmari laheyd,iyo sidii Qaramada midoobey uga qeyb qaadan laheyd fududeynta dhameystirka Dastuurka qabyada ah ee dalka.

Kulanka oo arrimo kale oo farabadan looga hadlay ayaa ugu dambeyn waxa uu ku soo dhamaadey is-afgarad.

  Â