Guddiga Dhameystirka Xeerka Doorashooyinka oo shaqadooda hakiyay.

Guddiga-Wadajirka ah ee Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa hakiyey Shaqadii uu maalmahanba hayay.

sababo la xiriira cudarka Corono Virus Sidda ay sheegeen Xubanaha Guddiga.

Guddiga wadajirka ah ee Doorashooyinka qaranka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo isxogwareysi ah la lahaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Mudane xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa maanta gelinkii dambe shir uu qabtay ku sheegay in shaqadii Guddiga ee socotay la hakiyey cabsi laga qabo cudurkan corona virus oo walwal badan ku haayo caalamka oo dhan.