Guddiga Dib u Eegista Dastuurka Labada Aqal oo la kulmay Ururada Bulshada Rayidka

Guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kula kulmay ururada bulshada rayidka, kulanka oo ka dhacay xafiiska Guddiga ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha Dastuurka.

Guddoomiyeyaasha Dalladda Ururada Bulshada rayidka ee (SOCENCA) Diini Axmed Diini iyo PUNSAA ee Puntland Feysal Axmed Warsame iyo Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ka qeyb galay Kulanka.

Feysal Axmed Warsame Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay iney muhiim tahay in la tashi lala sameeyo Bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada rayidka (SOCENCA) Diini Maxamed Diini ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in dhaqaalaha ku baxaya Dastuurka ay bixiso .

Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa Ururada Bulshada rayidka uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha Dastuurka, isagoona sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan in howlaha dib u eegista Dastuurka dhameystirmaan sanadkan 2018-ka.

Guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka iyo Guddiga madaxa banaan ee Dastuurka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waday la tashiyo ay la yeelanyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada.