Guddiga dib u heshiisiinta oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Tukaraq

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in si shuruud La’aan ah lagu joojiyo dagaalka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, xilli maalmihii lasoo dhaafay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo Puntland uu ka socday degaankaasi.

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse ayaa ku baaqay in si deg deg ah dagaalka loo joojiyo,islamarkaana labada dhinac ay wadda  hadlaan.

Waxaa uu sheegay in guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ay ka qeyb qaadan doonaan sidii dagaalka loo joojin lahaa,dadka kunool Somaliland iyo Puntland ay nabad uga wada noolaan lahaayeen.

Guddoomiyaha ayaa markale ku celiyay in dagaal uusan xal aheyn,islamarkaana la ilaaliyo dhibaatadda soo gaaraysa dadka kunool degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxaa uu ugu dambeyntii ugu baaqay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland in ay ka qeyb qaataan sidii loo qaboojin lahaa Xiisadda degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.