Guddiga Difaaca BF oo ku baaqay in xiisada siyaasadeed aan looga mashquulin sugida amniga

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay Mooshinka ka yaalla Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) inuu saameyn ku yeeshay sugida amniga.

Waxa ay sheegeen Guddiga in marna aanan loo baahneyn in jahwareer uu ku yimaado sugidda amniga, iyada oo lagu mashquulayo Mooshinka ka yaalla Guddoomiye (Jawaari), howlihii waajibka ahaana laga soo tagayo.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in waxyaabo badan ay ka qaldan yihiin howlaha amniga, arrintaasina aanan loo baaheyn.

“Een xildhibaanada qaar iyo Masuuliyiinta Dowladda waxa ay ku mashquuleen howlaha Mooshinka, iyaga oo hakiyay shaqooyinkii waajibka ahaa, midaas looma baahna, anaga waan la kulanay laamaha amniga waxna waa laga weydiiyay dhacdooyinkii amniga la xiriiray ee dhawaanahan dhacay.” Ayuu yiri.

Guddoomiye Xuseen Carab ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka gaar ahaan laamaha ammaanka in ay ka feejignaandaan falaka ka baxsan amniga, maadaama shalay Shabaab ay qarax ka geysteen wadada Maka Al-mukarama.