Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo Wasiirka Gaashaandhigga Kala Hadlay Xuquuqda Ciidanka Xoogga Dalka

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, iyaga oo ka wada hadlay arrimo muhiim u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xuquuqda ciidamada iyo caqabadaha saameeya daryeelkooda.

Kulanka oo qayb ka ah gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga Difaaca, gaar ahaan korjoogtaynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda, waxaa shir-guddoomiyay Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Dhookir. Waxaa sidoo kale kulanka ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo saraakiil kale.

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray xaaladda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan mushaaraadka laga jaray ciidamada, xuquuqda agoonta iyo naafada ciidanka, iyo caqabadaha kale ee la xiriira daryeelka iyo taageerada loo fidiyo ciidamada u taagan difaaca dalka.

Guddiga Difaaca ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda askarta, agoonta iyo naafada Ciidanka Xoogga Dalka, iyaga oo sheegay in aan la aqbali karin in la dhimo xuquuqda iyo mushaaraadka ciidamada naftooda u huray difaaca dalka, iyadoo aan si buuxda loo tixgelin duruufahooda iyo xuquuqda ay leeyihiin.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Kooxda AS, dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo baahida loo qabo in la helo ciidan leh awood, xirfad iyo nidaam shaqo oo sugan, si ay si hufan uga soo baxaan waajibaadka difaaca dalka.

Qodobada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa muhiimadda ay leedahay in ciidamada laga ilaaliyo ku milanka siyaasadda iyo adeegsiga khaldan, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha la xiriira darajooyinka ciidamada. Arrimahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maamulka, hufnaanta iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo hawlwadeennada Wasaaradda, iyaga oo ku ammaanay sida daahfurnaanta leh ee ay u soo bandhigeen caqabadaha jira iyo xalalka loo baahan yahay. Dhinacyadu waxay sidoo kale isla garteen muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo qabto kulamada korjoogtaynta iyo isla-xisaabtanka.

Ugu dambayn, Guddiga Difaaca iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa isku afgartay in la joogteeyo wada-shaqaynta iyo kulamada la xiriira la-socodka hawlaha Wasaaradda, si loo xoojiyo hufnaanta shaqada Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, loona ilaaliyo xuquuqda ciidamada, isla markaana loo horumariyo awoodda difaaca dalka.