Guddiga Difaaca oo lagu wado in ay la kulmaan Wasiirka Gaashaandhigga

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in ay kulan la yeeshaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh C/raxmaan Mursal.

Kulankan oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay in Wasiirka wax looga weydiiyo arrimaha la xiriira xiisada ka taagan magaalada Beledxaawo iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan kulanka Guddiga Difaaca ay la qaadanayaan Wasiirka Gaashaandhigga in ay qeyb ka yihiin Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, oo iyaguna arrintan ay quseyso.

Senetarada Aqalka Sare oo shalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa codsaday in si deg deg ah loogu yeero Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, sida Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Difaaca & Arrimaha Dibadda.

Waxa ay sidoo kale codsadeen in wax laga weydiiyo Maamulka Jubbaland iyo Guddiga Xuduudaha dhibaatada ay Kenya ku heyso shacabka degan degmadaasi.

Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa shacabka ku nool waxa ay sameynayaan Barakac, kadib markii Ciidanka Kenya Gaadiidkooda dagaalka ay la soo galeen gudaha Magaaladaasi.