Guddiga Diyaarinta Xuska Maalmaha Xoriyada Dalka oo Caawa kulan yeeshay.

Wasiirka arrimaha Gudaha ee Xukuumada Federal Soomaaliya  ahne Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska Todobaadka Xorriyadda mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayey sidii loogu diyaar garoobilahaay munaasabadahaan isa-saaran ee maaalmaha Xoriyada, kulankan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Guddiga ayaa ugu horeyn warbixin kooban oo hordhac ah ka dhageeystay xubnaha guddiga farsamada ee isku dubaridka muunaasabadda 26-Juun iyo 1-Luuliyo, iyaga oo sheegay in si weyn loogu diyaar garoobay weyneenta maalmaha Xoriyada Dalka.