Guddiga Doorashada KGS Oo La Dhameystiray & Xildhibaanada Oo Ansixiyay

Waxaa Maanta sirasmia ah loo dhameystiray Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed,kuwaas oo dhawaan Xubno ka tirsanaa ay is casileen.

Guddiag doorashada oo ka koobnaa 27 Xubnood ayaa waxa iska casilay 15 Xubnood oo ka mid ahaa,hayeeshee waxaa Maanta Magacaabay kusimaha Madaxweynaha KGS ahan guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Magacaabista kadib xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa lahor-geeyay Guddiga oo ka kooban 15 Xubnood,iyaga oo ansixiyay.

Kulanka lagu ansixinayay Guddiga ayaa waxaa ku sugnaa 138 mudane 134 Xildhibaan ayaa ansixiyay 2 waa ay diiday 2 waa ay ka aamustay,guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in Guddiga ay sidaasi ansax ku yihiin.

28 Bishaan ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyada oo siweyn qaban qaabada looga dareemayo Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed.