Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa Maanta waxaa ay kulan la qaateen qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Kulankan ayaa daba socda, kadib markii Maalin ka hor Guddiga doorashada ay u yeereen Xubnaha musharixinta,waxaana kulanka ay uga wada hadleen habraaca doorashooyinka Jubbaland.
Dhinaca kale waxaa Maanta dib u bilaawday is diiwaagelinta musharixiinta Madaxweynaah,waxaana Maanta oo Talaado ah is diiwaangeliyay laba ka mid ah Musharixiinta u taagan taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xubno ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland oo la magac baxay isbeddel-doonka ay kasoo horjedaan habka uu wax u wado guddiga doorashada, iyaga oo sheegay inay kalsoonidii kala laabteen.