Guddiga doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga la qabanaayo Doorashada kursi ka banaan BF

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay xilliga la qabanayo doorashada kuraasta ka banaan golaha shacabka ee degaan doorashadooda ay tahay magaalada Baydhabo.

Labada kursi ee banaan ayaa waxaa baneeyey Xuseen Cusmaan Xuseen oo hada ah Agaasimaha Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Marxuum Khaliif Cabdullaahi oo geeriyooday.

Guddiga ayaa sheegay in kursi ka mid ah labada kursi uu diyaarsan yahay musharaxii iyo ergadiina ay diyaar yihiin balse kursiga kale ay diyaarinayaan doorashadiiisa.

Guddiga ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka iney soo gudbiyaan liiska ergada doorashada ka qeyb galeyso, Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo yareey ayaa sheegtay in waqtiga loogu tala galay ay ku qabanayaan doorashada labada kursi.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shalay magaalada dhuuso mareeb ku qabtay doorashada kursigii uu iska casilay Xildhibaan C/qaadir Gaafow, waxaana doorashadii shalay ku guuleystay C/laahi Gaafow Maxamuud oo horay u soo hogaamiyay hay’addaha NISA iyo Socdaalka.