Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyey Xarumaha Codbixinta Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyey tirada iyo goobaha ay ku yaallaan xarumaha codbixinta ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo loo diyaariyey doorashada Golaha Deegaanka.

Guddigu horey u xaqiijiyey in 25-ka bishan si toos ah loo bilaabi doono doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, iyadoo haatan la dhameystiray diyaar garowgii la xiriiray kaabayaasha codbixinta iyo habraacyada farsamo.
Dhanka kale, magaalada Muqdisho iyo degmooyinka ku teedsan ayaa waxaa ka socda ololayaal ballaaran oo ay wadaan ururrada siyaasadeed ee horey isu diiwaangeliyey, kuwaas oo bulshada ku boorrinaya ka qeybgalka doorashada iyo taageeridda barnaamijyadooda siyaasadeed.
Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Gobolka Banaadir in ay si nabad ah uga qeyb qaataan geeddi-socodka doorashada, isla markaana ay gutaan waajibaadkooda muwaadinimo si ay u helaan maamul deegaan oo ku yimaada rabitaanka shacabka.