Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Gudbiyay Warqada Iscasilaada

 

Sida ay ku waramayaan ilo xog-ogaal ah waxaa la filayaa inay dhawaan is casilaan dhamaantood Xubnaha guddiga doorashooyinka ku meel gaarka Puntland ee (TPEC).

Kulan Saacado qaatay ayaa shalay waxaa Madaxtooyada Puntland ay Guddiga kula qaateen madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Guddiga ay la wadaageen Madaxweynaha inay is casilayaan.

Xukuumadda Puntland ayaa dhawan sheegtay in in la dardar gelinayo  nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland,hayeeshee ilaa iyo hadda lama oga waxa keenay inay doonayaan inay is casilaan Xubnaha Guddiga doorashooyinka Puntland.

Sida uu qabo dastuurka Puntland Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu soo Magacaabvo Guddi Cuusb, kadib markii ay is casilaan guddiga doorashooyinka ku meel gaarka Puntland ee (TPEC).