Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehelinayo Guddoomiye ku-xigeenka, Mudane Saadiq Abshir Garaad, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarun lagu diyaarinayo agabka doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir.
Intii uu kormeerka socday, Guddoomiyaha ayaa warbaahinta u sheegay in gebi ahaanba la diyaariyey agabka muhiimka u ah doorashada, isla markaana la dhammeystiray qorshayaasha daad-guraynta qalabka loo gudbinayo goobaha codbixinta ee ay shacabka ku dhiiban doonaan codkooda.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ugu baaqay muwaadiniinta ku nool caasimadda in ay ka faa’iideystaan waqtiga harsan, isla markaana ay qaataan kaarka codbixinta ka hor 25-ka December, oo ah maalinta rasmiga ah ee loo asteeyay doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir.
