Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay xilliga la diiwaangelinayo Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in 1-da bisha November 2026 ay bilaabanayso diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda, taas oo socon doonta illaa 22-ka November 2026.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Guddiga, oo ku taariikhaysan 31-ka Oktoobar 2026, ayaa lagu sheegay in go’aankan uu waafaqsan yahay waajibaadka sharci ee Guddiga iyo qodobbada ku xusan Sharciga Dhisidda Guddiga iyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Guddiga ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay xiriir la leedahay war-saxaafadeedkii uu soo saaray 15-kii Oktoobar 2026, kaas oo ku saabsanaa cayimista taariikhda qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo cid kasta oo danaynaysa inay ka faa’iidaystaan muddada loo asteeyay diiwaangelinta, si ay qayb uga noqdaan geeddi-socodka doorashooyinka iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Sida ku cad jadwalka uu Guddigu shaaciyay, diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ayaa si rasmi ah u bilaabanaysa 1-da November, waxayna ku eg tahay 22-ka November 2026.