Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, oo ay weheliyaan Komishaneer Cabdi Cadow, Komishaneer Maxamed Amiin Xasan iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga, Mudane Xuseen Nuunow Cali, ayaa kulan xog-warran ah la qaatay xubno ka tirsan beesha caalamka.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa safiirrada iyo wakiillada dalal ay kamid yihiin Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Turkiga, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Masar, iyo sidoo kale xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda iyo horumarka geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo Guddiga Doorashooyinku uu xubnaha beesha caalamka la wadaagay xog ku saabsan howlaha uu qabtay iyo qorshayaasha doorashooyinka ee dalka ka socda.
Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, oo ugu horreyn khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo si gaar ah u xusay doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa faahfaahin ka bixiyay doorashooyinkii isku-sidanaa ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee ka dhacay deegaannada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyo doorashooyinka isku-sidkan ee la qorsheynayo inay ka qabsoomaan Hirshabeelle.
Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in geeddi-socodka doorashada qof iyo cod uu si wanaagsan uga hirgalay Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heleen fursad ay si toos ah ugu doortaan wakiilladooda siyaasadeed heerarka kala duwan.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, isla markaana dib loogu soo celinayo shacabka awoodda ay ku dooranayaan cidda matalaysa.
Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa iyaguna kulanka ka jeediyay su’aalo iyo aragtiyo ku saabsan geeddi-socodka doorashooyinka, iyagoo soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod.
Wakiillada beesha caalamka ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, iyadoo awoodda doorashada si tartiib ah loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed.
Waxay sidoo kale sheegeen inay diyaar u yihiin inay Guddiga Doorashooyinka kala shaqeeyaan hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, hufan, xor iyo xalaal ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-dhaafsi xog iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo sii dardargelin lahaa geeddi-socodka doorashooyinka, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta Guddiga Doorashooyinka iyo beesha caalamka.