Guddiga Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta doorashooyinka Guddoonnada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo xoojinta doorka xubnaha Golaha Deegaanka ee degmooyinka caasimadda.
Kulanka, oo uu shir-guddoominayay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne), ayaa lagu falanqeeyay sidii loo dedejin lahaa geeddi-socodka doorashooyinka guddoonnada degmooyinka iyo sidii loo xoojin lahaa kaalinta xubnaha Golaha Deegaanka ee ka shaqeynta horumarka iyo adeegyada bulshada.
Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xubnaha Golaha Deegaanka ay si hufan uga soo baxaan masuuliyadda loo igmaday, isla markaana ay gutaan waajibaadka ay bulshada u doorteen. Waxaa sidoo kale lagu boorriyay inay hormuud u noqdaan adeegyada bulshada, kor u qaadista wada shaqeynta bulshada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee degmooyinkooda.
Kulanka ayaa lagu xusay in xoojinta hay’adaha dowladaha hoose iyo kor u qaadista waxqabadka Golaha Deegaanka ay laf-dhabar u yihiin horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo ka miro-dhalinta himilooyinka shacabka ku nool Gobolka Banaadir.
Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo xoojinta maamulka deegaanka, si loo xaqiijiyo adeeg hufan iyo horumar waara oo ay ka faa’iideystaan shacabka ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir.