Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha u xilsaaray soo aruurinta xogta iyo macluumaadka ku saabsan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, oo sii wada howlahooda muhiimka ah, ayaa maanta kulan la qaatay Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah.
Intii lagu guda jiray kulankan, guddigu waxa uu Wasaaradda wax ka weydiiyey qorshayaasha horumarineed ee dhaqaale iyo mashaariicda kale ee la xiriira horumarinta fursadaha iyo adeegyada loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Ujeeddada kulanku waxa ay ahayd in guddigu si qoto dheer u fahmaan istiraatiijiyadda iyo qorshayaasha Wasaaradda, si loo hubiyo in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay ka mid noqdaan qorshayaasha iyo barnaamijyada mustaqbalka ee Wasaaraddu dejin doonto.
Guddigu waxa uu xusey in xogtan iyo fahamka la helay ay muhiim u yihiin diyaarinta talooyin wax ku ool ah iyo go’aanno istiraatiiji ah oo Golaha loo soo bandhigi doono, si ay uga qeyb qaataan horumarinta iyo kobcinta adeegyada dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Kulankan ayaa sidoo kale iftiimiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya Guddiga Gaarka ah iyo Wasaaradda si loo xaqiijiyo in qorshayaasha dowladda ay si buuxda u taabanayaan baahiyaha dadka danyarta ah iyo kuwa leh baahiyaha gaarka ah.