Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Oo Kulan Kayeelanaya Mooshinka Laga Gudbiyay Gudoomiye Jawaari

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka yeeshaan xaalada dalka iyo Mooshinka Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay saakay ka gudbiyeen Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudiga joogtada ayaa waxa ay ka hadli doonaan waxa laga yeelayo mooshinkaas iyo dhankooda in ay u gudbiyaan Golaha Shacabka kadib markii la’isku raaco mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dhinaca kale Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar  ah oo looga arrinsanayo mooshinka ka socda dalka,kuwaas oo ay kala wadaan Gudoomiye Jawaari iyo Xubno ka socda Xafiiska madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.

Wararka ay heleyso warbaahinta  ayaa waxa ay sheegayaan in ka hor mooshinka gudoomiye Jawaari xalay ra’iisul Wasaare Kheyre uu ka baaqday kormeer uu sameyn lahaa kadib markii maqlay nuxnux ku aadan in uu jiro mooshin la abaabulayo.

Waxaa la sugayaa natiijada ka soo baxda kulanka Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo saacadaha soo socda ay ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho