Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Oo Kulan Uga Socdo Muqdisho

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow waxaa kulankoodii 3-aad uga furmay Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay, Xaqiijinta Guntanka iyo  Dib u eegista Ajendayaasha Golaha Shacabka,waxaana goobjoog ka ah inta badan xubnaha ka tirsan Guddiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Shir Guddoominaya kulakaasi haatan ka socda Magaalada Muqdisho.