Guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo kulan kula qaatay Wasiirka Wasaraadda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.

Guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa maanta xafiiskooda kulan kula qaatay Wasiirka Wasaraadda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macalin Maxamuud.

Kulanka oo ku saabsanaa kala warqaadasho iyo is xogwaraysi guud ayaa diiradda lagu saaray hannaanka shaqo ee guddiyada Dastuurka iyo Wasaaradda, waxyaabaha hortabinta leh iyo dedejinta soo dhisida gudiga madaxa bannaan ee Dib u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo wasiirka la faray in la soo magacaabo dad aqoon, karti iyo xirfad u leh Dastuurka luuqad qaanuuni ahna wax ku qori kara.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo dastuurka oo dhankiisa ka jawaabay su’aalo ay waydiiyeen xubnaha guddiga, ayaa bogaadiyay shaqada guddiga Datuurka iyo sida dhaqsaha leh ee ay isula jaanqaadeen, isagga oo xusay in Xukuumadda Dan Qaran ay ka go’antahay dhameystirka dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Mudane Xuseen iidow oo kulanka soo xiray ayaa Wasiirka uga mahad celiyay sida uu warbixinta uga siiyay su’aalihii la waydiiyay iyo sida ay uga go’antahay qabyo tirka Dastuurka iyo la shaqaynta guddiyada Dastuurka.