Guddiga Maaliyadda Oo Ku kalaqeybsan warbixinta wasaarada maaliyada

Qaar ka mid ah Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa ka horyimid Warbiixn Guddiga maalmo kahor soo saaray taas oo Eedeyn la xiriirta musuq maasuq loogu jeediyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir.

Xubnaha Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka ka tirsan oo qoraal soo saaray ayaa waxa ay sheegeen inay qaldaneed  hab raaca loo maray meel marinta warbixinta guddiga ay aheyd mid baal marsan hab raaca xeer hoosaadka Golaha.

Guddiga Maaliyada ee Warbixinta oo saaray oo ka koobnaa 10 xildhibaan ayaa waxa ay ciwaan uga dhigeen tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meel marinta qoondada miisaaniyadda Sanada 2018.

Xubno ka mid ah Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa qoraalka ay maanta soo saareen waxa ay ku sheegeen in waxba kama jiraan ay tahay Warbixintii ay horay u soo saareen qaar ka mid ah Guddiga,isla markaana laga leexiyay habraacii la rabay inay u soo marto horkeenida golaha shacabka.

Qoraalka ka soo baxay Xubno ka mid ah Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa u muuqata mid kala qeybisay Guddiga,isla markaana meesha ka saartay Warbixintii hore ee Xubno ka mid ah guddiga soo saareen Eedeyn la xiriirta musuq maasuq loogu jeediyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir.