Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka oo kulan ku qabtay Toronto

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa kulan looga hadlayay qabsoomida doorashooyinka 2020 ee dalka Soomaaliya ku qabtay Magaalada Toronto ee Dalka Canada.

kulankaas oo ahaa mid lagu aruurinayay aragtida qurba joogta ee ku aadan hannaan doorashooyinka 2020 ee dalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wafti ay hogaaminaysay Gudoomiyaha Guddigaasi Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.

Gudoomiye Xaliimo Yarey ayaa sheegtay wadatashigaan in uu  qayb yahay kulamadii horay uu Guddigu uga soo qabtay Dalka Soomaaliya Guddihiisa hadana ay kawadaan Wadamada Yurub iyo Ameerika oo ay ku nool yihiin Ummad Soomaaliyeed oo aragtidoodu muhiim tahay.