Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Guddiga, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh Guddiga iyo xoojinta gudashada waajibaadkiisa qaran ee ku aaddan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

Kulanka oo ay shir-guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa xubnaha Guddigu si qoto dheer uga wada hadleen xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa doorka Guddiga ee la socodka, ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

Xubnaha Guddiga ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrimaha la xiriira helitaanka caddaaladda, ilaalinta dadka nugul, dabagalka cabashooyinka shacabka iyo la socodka dhacdooyinka la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in Guddigu si wadajir ah, madax-bannaan, dhexdhexaad ah oo hufan u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Waxa kale oo kulanka lagu eegay hawlihii Guddiga u qabsoomay muddadii lasoo dhaafay, halka ay marayaan qorshayaasha shaqo iyo hawlaha la qorsheeyay in la fuliyo muddada soo socota.

Xubnaha Guddiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardargelinta hawlaha mudnaanta leh, dhammaystirka hannaan-hawleedka iyo xeerarka gudaha ee Guddiga, kuwaas oo muhiim u ah habsami-u-socodka shaqada iyo gudashada waajibaadka hay’adda.

Qodob kale oo muhiim ah oo kulanka looga hadlay ayaa ahaa xoojinta wada-shaqaynta u dhexeysa Guddiga iyo hay’adaha kale ee dowladda, ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha xuquuqul insaanka.

Guddigu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola socdo xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka, gaar ahaan arrimaha saameynaya dadka nugul iyo bulshada u baahan ilaalin iyo taageero dheeraad ah.

Gabagabadii, xubnaha Guddigu waxay isku afgarteen in la sii xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha, isla markaana si degdeg ah looga jawaabo arrimaha iyo cabashooyinka soo kordha ee u baahan dareenka iyo faragelinta Guddiga.

Guddigu wuxuu sidoo kale adkeeyay inay muhiim tahay in dhammaan hawlaha hay’addu ku salaysnaadaan madax-bannaanida, dhexdhexaadnimada, hufnaanta iyo ilaalinta kalsoonida shacabka, si loo xaqiijiyo in xuquuqda aadanaha si siman loo ilaaliyo loona horumariyo.