Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhageystay warbixin ku saabsan baaris hantidhowr madax-bannaan oo markii ugu horreysay taariikhda lagu sameeyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa hannaanka kormeerka iyo isla-xisaabtanka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la qiimeeyo habsami-u-socodka shaqada hay’adaha dowladda, u-hoggaansanaantooda shuruucda dalka iyo heerka ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Kulanka waxaa dhanka aaladda internetka ee Zoom kaga qaybgalay Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale. Waxaa sidoo kale kulanka joogay ku-xigeennada Hantidhowraha Guud, Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga iyo Xoghayaha Guddiga.
Intii uu kulanku socday, waxaa guddiga loo soo bandhigay warbixinta baarista madax-bannaan ee lagu sameeyay Xafiiska Hantidhowrka Guud, taas oo lagu eegay gudashada waajibaadka shaqo ee xafiiska, u-hoggaansanaanta shuruucda iyo habraacyada khuseeya shaqadiisa, iyo ku-dhaqanka halbeegyada xirfadeed ee hantidhowrista.
Baaristan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo la xiriirta xoojinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda, maadaama Xafiiska Hantidhowrka Guud uu door muhiim ah ku leeyahay kormeerka maaliyadda dowladda iyo hubinta sida loo maareeyo hantida iyo dhaqaalaha qaranka.
Natiijooyinka lagu soo bandhigay kulanka ayaa muujiyay horumarka uu Xafiiska Hantidhowrka Guud sameeyay, iyadoo sidoo kale la tilmaamay dhinacyada u baahan horumarin dheeraad ah. Qiimeyntan ayaa muhiim u ah in la ogaado meelaha ay shaqadu ku wanaagsan tahay iyo meelaha u baahan in la xoojiyo, si kor loogu qaado tayada iyo waxtarka howlaha hantidhowrista.
Xubnaha Guddiga ayaa bogaadiyay tallaabadan, iyagoo muujiyay kalsoonida ay ku qabaan in natiijooyinka baaristu ay gacan ka geysan doonaan horumarinta hufnaanta, daahfurnaanta iyo waxqabadka Xafiiska Hantidhowrka Guud. Waxay sidoo kale muhiimad gaar ah siisay sii wadidda dadaallada lagu xoojinayo isla-xisaabtanka iyo ilaalinta hantida guud.
Baaristan madax-bannaan waxay muhiimad gaar ah u leedahay Xafiiska Hantidhowrka Guud, maadaama ay muujinayso in qiimeynta iyo kormeerka hay’adaha dowladda ay qayb ka yihiin hannaanka lagu xaqiijinayo u-hoggaansanaanta shuruucda iyo heerarka xirfadeed ee shaqada.
Dhanka kale, tallaabadani waxay astaan u tahay muhiimadda ay leedahay in madax-bannaanida hay’adaha dowladda ay barbar socoto daahfurnaan iyo isla-xisaabtan, iyadoo la dhowrayo waajibaadka sharciyeed ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u leeyahay kormeerka hay’adaha dowladda.
Ugu dambayn, baaristan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka isla-xisaabtanka iyo tayada shaqada hantidhowrka, iyadoo la filayo in natiijooyinkeeda iyo talooyinka ka soo baxa ay gacan ka geystaan xoojinta waxqabadka Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo ilaalinta hantida qaranka.