Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka, ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay diyaar-garowga xuska sannad-guurada 66-aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo. Kulanka ayaa waxaa martigelisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi.
Kulanka ayaa si qoto dheer looga dooday muhiimadda maalmaha xorriyadda iyo midnimada qaranka, kuwaas oo astaan u ah halgankii gobannimo-doonka iyo mideyntii ummadda Soomaaliyeed. Xubnaha guddiga ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in munaasabadahaas loo qabto si heer sare ah, loogana xuso gudaha dalka iyo dibaddiisaba, si loo xoojiyo dareenka waddaniyadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha qabanqaabada iyo isku dubbaridka dadaallada hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ku lug leh xuska maalmahan qaran. Waxaa la isla meel dhigay sidii loo xaqiijin lahaa in munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ay u dhacaan si habsami leh, iyadoo la qorsheynayo barnaamijyo kala duwan oo lagu maamuusayo maalmahaas taariikhiga ah.
Kulanka waxaa ka qeyb galay xubnaha Guddiga Golaha Wasiirrada, guddiyada farsamada, mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ee door muhiim ah ka qaadanaya sugidda amniga iyo diyaarinta munaasabadaha xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka.
Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga qeyb qaataan xuska maalmahan qiimaha weyn ku leh taariikhda dalka, kuwaas oo xambaarsan xusuusta halgankii gobannimada iyo mideyntii Jamhuuriyadda Soomaaliya.