Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta kormeer ku tegay cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo loo xulay inay ka qeyb qaataan munaasabadaha lagu xusayo Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed, gaar ahaan dabaal-degga 1-da Luulyo.
Kormeerkan ayaa lagu qiimeeyay heerka diyaar-garowga ciidamada iyo gaadiidka loo qorsheeyay inay ka qeyb noqdaan fantasiyaha iyo bandhigyada ciidamada ee lagu soo bandhigayo munaasabadda. Saraakiisha Booliska ayaa guddiga warbixin ka siiyay tababarada, abaabulka iyo diyaarinta ciidamada, iyagoo caddeeyay in dhammaan cutubyada loo xilsaaray ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda.
Xubnaha Guddiga Qaran ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka iyo dadajinta howlaha diyaar-garowga ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyagoo xusay in abaabulka sanadkan uu yahay mid ka heer sarreeya sanadihii la soo dhaafay. Waxay tilmaameen in tayada tababarada, isku-duwidda ciidamada iyo diyaarinta gaadiidka ay muujinayaan horumar muuqda oo ay sameeyeen hay’adaha amniga.
Guddoomiyaha Guddiga, Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa ciidamada ku ammaanay doorka ay ku leeyihiin sugidda amniga dalka iyo ka qeyb qaadashada munaasabadaha qaran. Wuxuu ku boorriyay inay sii wadaan dadaalkooda si shacabka Soomaaliyeed ay ugu dabaaldegaan Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada iyagoo ku sugan jawi nabdoon oo ammaan ah.
Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed ayaa sanad kasta si weyn looga xusaa guud ahaan dalka, waxaana ka qeyb gala madaxda dowladda, ciidamada qalabka sida iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Bandhigyada ay sameeyaan ciidamada ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu muujiyo awoodda, wadajirka iyo horumarka hay’adaha amniga Soomaaliyeed.