Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah oo faragalin kusameeyay Muranka ka taagan W/Arrimaha Dibadda

Guddiga Shaqaallaha rayidka ah ayaa kasoo horjeestay xilka ka qaadis dhawaan uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad xoghayaha Joogtadada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Muran badan ayaa ka dhashay xilka ka qaadista Cali Maxamed Cali oo ahaa xoghayaha Joogtadada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda, waxaana ugu dambeyntii soo faragaliyay Guddiga shaqaallaha rayidka ah.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee dowladda oo loo diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu sheegay habka xil ka qaadistii uu ku sameeyay Xoghayaha Joogtada taariikhda marka ay aheyd 26-kii bishii July ay si cad uga hor imaaneyso wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre Bishii May ee Sanadkaan taasoo aheyd  xil ka qaadista iyo shaqo joojinta Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Joogtada.

Xoghayaha Joogtadada ah ayaa sheegay in Wasiirka uusan xilka ka qaadikarin, islamarkaana Ra’iisul Wasaaraha kaliya uu xilka ka qaadi karo Marka laga eego Warqadii horay uga soo baxday Kheyre.

Muran badan ayaa ka taagan Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda, kasoo sameyn weyn ku yeeshay shaqadda Maalinlaha ah ee Wasaaradda.